The Free Site   |  vBuddy - make friends, share photos, blogs, have fun   |  Cheap Web Hosting - starting at $5
Home
 
Last Updated Sat, March, 11 2007, Hargeisa Somaliland
Golaha Guurtida oo ku baaqay inay dhexdhexaadinayaan Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada JSL

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay inuu golihiius ka hawlgalyo xal u helida khilaafka ka dhex oogan Xukuumada iyo Golaha wakiilada, waxa uu sidaa ku sheegay Gudoomiyaha Goolaha Guurtu Saleebaan Maxamuud Aadan kalfadhigii 33-aad ee Golaha Guurtida oo uu shalay ka furey xarunta Golaha Guurttida ee magaalada Hargeysa, waxaanu intaa ka daray gudomiyuhu inuu goluhu gudi u xulayo sidii ay dhexdhexaadin uga geli lahaayeen khilaafka dasduuriga ah ee u dhaxeeyaa xukuumada Madaxweyne Rayaale iyo Golaha wakiilada.

Saleebaan M. Aadan (S. Gaal)

Furitaanka Kalfadhigan 33-aad oo ay ka ka soo xaadireen 52-mudane waxa uu Gudoomiyuhu hadal uu halkaasi ka jeediyey kaga waramay arrimo doora oo kala duwan kuwaas oo ay mid yihiin shaqaaqooyinkii ay golaha Guurtidu ka halgameen xalintooda , oo isugu jirey qaar dalka gudihiisa ka dhacay iyo qaar dalka dibadiisa ka dhacay iyo kuwii ugu danbeeyey ee deegaanka Daroor ee ismaamulka Soomaaliada Ethiopia.

Waxaanu gudoomiyaha Golaha Guurtidu hadalkiisa ku bilaabay ““Muddadii u Golahani fasaxa ku kala maqna, ammuuraha dhacay ee keenay khilaafaadka & xiisad hor lehi, waxa ay ahaayeen dhacdadii la xidhiidhay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Is-maan-dhaafka arrintaasi ka yimidna waxa u ka dhashay ka dib markii u Aqalka Wakiiladdu Madaxweynaha ku celiyey Liistadii Xubnaha Komishanka, Maalin & laba ka dibna ay Golaha Wakiiladdu mooshin ay u coddeeyeen ku ogolaadeen in ay Xubnihii hore ee Komishanka u cosboonaysiiyaan, taasi oo u Madaxweynuhu dib ugu soo-celiyay

Mooshinkii ay Golaha Wakiiladdu ugu cusboonaysiiyeen Xubnihii hore ka dib, waxa u Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin u qoray Komishanka, qoraal u ugu sheegayo in ay si ku-meel-gaadh ahana wixi Dhokumenti & Agab kalaba ah ee Xarunta komishanka ugu wareejiyaan Agaasimaha Guud ee Hay'adda Komishanka.

Maanta oo kale oo aynu u diyaar-garoobayno, Doorashadii Labaad Qabsoomideedii, la inagama filayn in ay inaga yimaadaan is-qabsi & murano hor leh, oo la xidhiidha ammuurahaasi, maxa yeellay Doorashadda & Guddigga Xafiiska Doorashaduba ma aha mid inagu cusub, waxayna ahayd in ay waayo-aragnimadeenii hore wax inaga tarto arrinmahaasi oo kale marka ay yimaadan.

Inta badan khilaafaadka sammeeya Bulshada Reer Somaliland, soona jeediya dareemada kala duwan ee Beesha Caalamku wuxu dhex-mara Fullinta & Sharci Dejinta Koowaad (Wakiiladda).

Wakhtiyo badan ayuu Shir-Guddoonka Golahani Guurtiddu isku-hawlay, tamar badana geliyay sidii looga dhex-dhalin lahaa is-af-garad, wada-shaqayn, is-qadarin iyo in la isu-xaq-dhawro sifo sharciya & nidaam Dowliya, balse waxba kama suurtoobin, sababuhu noocay doonaanba ha ahaadeene.

Dhinca kale, soo-jeedintii Madaxweynaha ee ahayd Turxaan-bixinta Goleyaasha Dowladda, taasi oo la rabay in ay u gudubto Xisbiyadda, ugu dambayna ku soo af-jaranto si heer Qaran ah, si loo helo aragti mid ah oo lagaga hor-tagi karo cadowga Gudaha & Debaddaba ee Reer Somaliland, iskaashi & wada-jirna looga yeellan lahaa horumarinta Dalka, ayaanay waxba ka noqon midho dhal, waxa laga maqlayna ay ahayd oo kaliya Go'aamaddii ay ka baahiyeen Sheekh intii ay joogeen.

Amuurahaasi wax raggaadiyay ee meel-mar ka dhigi waayay waxa laga heli doona Guddiyadii ku hawlana, gaar ahana waxa u Golahani war-bixin dhammaystiran ka raba Guddiggii uga qayb-gashay wada-hadalkaas.

Mudanayaal, khilaafaadya joogtadda ahi waxa ay raggaadiyaan horu-marka dhinacyada kala duwan ee Bulshada, waxa ay dadweynaha ku abuuraan jaha-wareer & wal-wal joogta ah oo ka baqa/geliya nolosha iyo Deganaashahaba, wax ku farxa cadowga Gudaha & Dibedba leh ee Reer Somaliland. waxana ka naxa qof kasta oo jecel horu-marka Mujtamaca Reer Somaliland, sidoo kale Beesha Caalamka inte jecel horu-markeena iyo inta neceba waxa ay ku yeellanaysaa raad-weyn.

Mudanayaal & Dadweynaba, ammuurahaasi waxa kale oo ay wiiqayaan hab-sami u-socodka nidaamka Dowliga ah, kala-dambaynta, anshaxa & asluubta dadnimo, aakhirkana waxa ay dhallisa haddii loo waayo maarayn ku habboon & Xal-waaqiciya dhibaatooyin culus iyo in dib loogu noqdo meel aynu waqti hore ka soo guurnay oon maanta la inagaba filayn (Illaahay kama dhigee).

Haddaba Golahani Guurtidda oo uu maanta u furmay kal-fadhigiisii 32aad, waxa uu ku talla-galayaa, hawlihiisana ka mid ahaan doonta sidii u gacan uga gaysan lahaa ka gudubka marxaladani taagan, maaha daawa raadintani Goluhu tii u horaysay, balse waa hawl u dhaqan u lahaa, isaga oo u taagan maslaxada, danta iyo horu-marka guud ee ummadani, waanu qiimayn iyo aragtiba u leeyahay marxaladihii ad-adka ee laga soo gudbay iyo meesha aan higsanayno mustaqbalka, Ilaahayna inoo rumayn-doono, oo ah Bulsho ku dhisanta is-kaashi, is-garabsi, walaalnimo, is-qadarin, kala dambayn iyo sharciyad.

Goluhu isaga oo maanka ku haya baahida loo qabo in is-af-garad laga gaadho ammuurtaasi wuxu is-waydiin-doona farsamadii loo guddo-geli laha oo deg-deg ah.

Sidaasi darteedna, waxan dhincayada is-ku-khilaafsan arrinta aan ka soo hadalnay laga codsanaya lagana dhawraya in ay joojiyaan wax kasta oo ficil iyo odhaahba ah ee sii hurin kara khilaafkani, isla-markaasina ay u diyaar garoobaan sidii loo soo af-jari laha, gacana ay uga gaysan lahaayeen xal u helida.

Ugu dambayntii, dadweynaha Reer Somaliland Guddo iyo Dibedba, waxa lala socod-siinaya, laguna wargelinaya in aanay u qaadan wax weyn, balse uu yahay oo kaliya moran Siyaasadeed oo la-iska-af-garan-doono, kuna dhammaystirmi doona wada-xaajood”.

 

Top

 


 

 
 
© 2007 Radio Hargeisa -All Rights Reserved, Designed by: Said M. Hussein