|
Nin rag ahi wuu garanayaa, doqonna loo sheegi maayo marxaladihii qalafsanaa ee uu dalkan Jamhuuriyadda Somaliland soo maray. Xasuus iyo tixgelin gaar ah waxa mudan dhabar adaygii shicibka Somaliland kaga soo gudbay dhib iyo diiftii dad iyo duunyaba uu ku waayay iyadoo ay u dheerayd doc ka wareen ficillo dab hurineed
 |
| Axmed X. Daahir - W/Warfaafinta |
oo uu cadawga midabyada badan dhinac kasta kaga waday. Guusha shicbka Somaliland waxay ku timid yiqiinta ALLE (SWT), midnimo, is-tixgelin iyo kala dambayn ay danahooda qaran ku fushadeen iyagoo gacmaha is haysta. Sidaa awgeed, muwaadin kasta oo dalkan aaminsan, waxa ku waajibtay inuu xajisto oo uu ku fara adaygo nabadda diifta intaa leeg loo soo maray.
Shicibka Somaliland marna muu lumin himiladii uu u soo halgamay oo waxa daliil u ah sidii wacnayd ee wayeel iyo dhallin, rag iyo dumar, wiil iyo gabadh, miyi iyo magaalo meel kasta oo ay joogaan dhexda u xidhay, harraad iyo gaajjana u soo maray sugidda nabadgalyada dalkooda, iyadoonay wax kaalmo ah dibadda ka helin.
Miyaanay ahayn mucjiso xagga ALLE ka timid in Somaliland oo aan meelna gargaar ka helin ay ku guulaysato hanashada nabad buuxda iyo haylkal dawladeed oo ku salaysan dimuqraadiyad, kala dambayn iyo is-tixgelin, halka meelaha Afrika, sida Somaliya, ee dhaqaalaha xad dhaafka ah adduunku ku shubayo, illaa maanta, dhimasho iyo colaad aan habeen keliya nabad lagu ladayn mooyee wax ay ku farxaan dadkoodu welin helin?
Waa Alle Mahaddii… Casaawa Jallaha innaga badbaadiyay cawaaqib xumada, innaguna hoggaamiyay oo inna waafajiyay daarirqa toosan. ALXAMDULILAA
Waa gaf inaan lagu shukriyin nimcada Ilaahay,…
Waa gaf in qalaanqal iyo qas joogta ah abaalkii ummadda loogu beddelo,…
Waa gaf in wakhti qaali ah laga lumiyo shicib horumar mooyee hantaaq u baahnayn,…
Haddaba, waxa la wada ogsoon yahay oo marag ma doon ah in nabaddan iyo dhamaystirka Hab-Dhaqan-Siyaasadeedka dimuqraadiga ah ee innoo qabsoomay ay u soo hooyeen Somaliland sumcad weyn oo qiimo leh. Dalal fara badan ayaa u qiray Somaliland quruxda ay keensatay balse haddana ictiraafkii aynu kasbannay weli ma hayno sababta oo ah intaa cadawgeennu isna ma dadaal yara oo shar ayuunbuu innaga wadaa.
Dawladda Somaliland marna kamay daalin, kana daali mayso inay guul u soo hoyso ummaddeeda si loo hanto aqoonsi caalami ah. Dadaalka aan yarayn ee ay ku raadinayso himiladeenna qaran waxa daliil u ah socdaallada kala duwan ee Madaxweynaha iyo xubnaha dawladdu ku maraan dalalka adduunka, Yurub iyo Afrikaba.
Tusaale ahaan, waxa mudan in la qiimeeyo itijaaha diblumaasiyadeed ee uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dahir Rayale Kahin, markii uu ku qancay in dawladuhu innaga furaysteen dhagaha iyagoo haddana qiraya waxqabadkeenna. Tabta cusub ee itijaaha diblumaasiyadeed ee Madaxweynauhu wuxuu xoogga saaray sidii loo kasban lahaa saaxiibbo madax iyo shaqsiyaad magac weyn ku leh siyaasadda adduunka oo innoo hadla, meel kastana gaadhsiiya qadiyaddeenna. Haddii aynu milicsanno faa’iidada uu dalka u soo hoyay itijaahaa cusub, waa marag ma doon in dadaalka Madaxweynuhu midho dhalayo sida ku cad saddexdan dhacdo ee hoos ku qoran ee aan tusaale ahaan si kooban u soo qaatay:
1. Kenneth Kaunda oo maadaxweyne ka ahaan jiray dalka Zambia, magac weynna ku leh siyaasadda Afrika oo dalkeenna booqasho ku yimid sannadkii hore, ka dib markii uu Madaxweyne Rayale u fidiyay casuumad. Taas oo keentay in markii ugu horaysay qadiyadda Somaliland iyo ictiraafkeeda lagu soo qaado shirweynihii Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay kal hore dalka Itoobiya, caasimadda Addis-Abeba.
2. Xubno ka tirsan Baarlamanka Kenya oo wada hadallo dhexmaray iyaga iyo Madaxweynuhu ay sabatay inay booqasho rasmi ah dalka ku yimaaddaan sannadkii hore ka dib markii uu Madaxweyne Rayale u fidiyay casuumad rasmi ah. Kulannadii dhexmaray xubnahaa baarlamanka Kenya iyo Madaxweynaha, xubno ka tirsan dawladda, golayaasha Xeer-Dejinta, saddexda xisbi qaran iyo Dadweynaha waxay dhalisay inay xogogaal u noqdaan xaalladda wacan ee ka jirta Somaliland. Waxay u jeediyeen baarlamankooda baaq ay ku qireen inay Somaliland mutaysatay ictiraaf caalami ah, Kenya iyo Midowga Afrikana ay la gudboon tahay inay aqoonsadaan oo aanay waxba ka gabban.
Waxay ku ballan qaadeen inay soo hordhigi doonaan baarlamanka Kenya ajande lagaga doodi doono ictiraafka Somaliland.
3. Socdaalkan ugu dambeeyay ee uu Madaxweynuhu ku tagay dalka Ghana oo ka dhashay xidhiidhka saaxiibtinimo ee dhexmaray labada Madaxweyne. Waxa la ogsoon yahay in Madaxweynaha Ghana uu yahay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee la dorrtay sannadkan. Xidhiidhkaa wacan waxa ka dhashay inuu booqasho Madaxweynuhu ku tago caasimada dalka Ghana ee Accra markii uu casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Ghana si uu ugala qayb galo Madaweynayaasha Afrika iyo kuwa adduunkaba munaasabadda sannad guuraha 50aad ee ka so wareegtay madax bannaanida Ghana oo ka xorowday Ingiriiska sannadkii 1958.
Taas oo dalka iyo dadka Somaliland u soo hoysay sharaf weyn isla markaana fursad qaaliya siisay sidii loogu qancin lahaa Madaxda isugu timid Accra mawqifka aqoonsiga Somaliland inuu yahay lagama maarmaan aan dib looga war wareegin karin balse ay tahay run jirta oo si khaldan hore indhaha looga qarsan jiray.
Waxa kale oo mudan in la tilmaamo Siyaasadda Dawladda ee raadinta Ictiraafku inay dar dar cusub gelisay Jaaliyadaha Somaliland ee Qurbo Joogta sidii codka ummaddooda ay u gaadhsiin lahayeen shacbiga iyo dawladaha qarbiga. Tusaale ahaan waxaynu ognahay bannaan baxyadii kala duwanaa ee dhowaan lagu qabtay dalal ka mid ahYurub ee Jaaliyadaha Somaliland ku muujiyeen mawqifkeenna iyo sidaan la isaga indho qaban karin Ictiraafka aynu mutaysannay.
Dadaalka ictiraaf-raadinta iyo hirgelinta himilada horumarineed ma ahaa mid cid keliya u gaar ah balse waa waajib saran shaqsi kasta oo muwadin ah. Waxa si cad u soo shaac baxaya in mar kasta oo iftiin u baxo ummadda dalkan, cadawga Somalilandna sii kordhayo isaagoo xeelado cusub la imanaya. Waxase igaga filan iskuduubnida shicibka iyo kalsoonida ummaddu isku qabto ee ay kaga feejigantahay goldaloollo cadawgu ka dhigto badh tilmaameed u ka soo weeraro. Waxa kale oo aan la hilmaami karin kalsoonidii ay siiyeen Madaxweynahooga oo ay sifo sharci ah ugu igmadeen hoggaaminta dalka si loo hanto saddexda himilo ee kala ah:
ADKAYNTA-NABADDA, ICTIRAAF & HORUMIRIN.
Haddaba waxa is-weydiin leh waxa keenay in la abuuro muran midho dhal aan lahayn oo ummada lagu jaahwareeriyo mar kasta oo qadiyadda Somaliland ay socoto meel wacan oo munaasib ku ah fiilidda abaqaalka aqoonsi. Maxaa looga dan leeyahay xaalad abuur dhaawici kara sumcadda dalku kasbaday maalin Madaxweynuhu si rasmi ah ula fadhiyo madaxweynayaasha Afrika iyo kuwo qaarado kaleba golihii ugu horeeyay ee sharafta Somaliland lagu tixgeliyay isla markaana qadiyadda aqoonsigeenna wax tar u leh.
BAROORTU ORGIGA KA WEYN…………..
Cadawga Somaliland wuu midabbo badan yahay, waanu tiro batay dibed iyo gudeba.
- Waddani dalka lexejeclo ka qabaa wuu ka ficillo duwan yahay danayste cadaw adeegsanayo oo dan yar oo u gaar ah ku dumin kara halgan dheer oo ummadu dhibatooyin xanuun leh u soo martay.
- Waddani jecel quruxda ummaddiisu wuu ka hadallo duwan yahay wajji badane munaafaq ah oo Quraanka Eebbe hore u sheegay cawaaqib xumadiisa.
- Waddani fiiro dheer lihi wuu ka dhaqdhaqaaq duwan yahay siyaasi himilo u gaar ah wata
Waxa ayaan darro ah in halkii xilkasnimo dheeraad ah lala iman lahaa, ficillo laga
tiiraanyoodo lagu kaco wakhti kaah iftiin u soo bidhaamay shicibka Somaliland oo samir ku soo jiray muddo dhan 17 sanno.
Waxa caddaatay in cadawga Somaliland ee weligiiba ku taami jiray burburinta dalkeennu uu la soo baxay tab cusub oo uu ku fushado danihiisa.
Waxa is-weydiin leh:“HORTA WAA KUMA CADWGA SOMALILAND, WAAMAXAYSE DANTA UGU JIRTA BURBURKEENNU?
Meel dheer ma taallo jawaabtu, cadawga dalka waxa lagu tilmaami karaa:
1. Dawlado faro badan oo aragtidoodu ku salaysan tahay in jiritaanka Somaliland yahay jabkooda.
2. Qabqablayaal dagaal ooga ah oo jecel inay dhiigga ummadda miirtaan balse aqoonsiga Somaliland ku kicinayo dadkooda dhibban
3. Shaqsiyaad wata siyaasad gabowday oo dhicisawday oo ay ummadda Somaliland hore uga soo gudubtay markay dhadhamisay qadhaadhkeeda. Kuwaas oo ku naaxaya dhimashada walaalkood
4. Dawlado ama shaqsiyaad kuwa kor ku qoran ku adeegsadaan si ay danahooda gaarka ugu fushadaan.
5. Iyo qaar kaloo badan………..
Waxay maanta ummadda reer Somaliland si cad u fahamtay, una aragtay, maragna ka tahay in loo kala baxay FUD iyo FAAR. Ficillada ay ku kacayaan iyo hadaladda ka yeedhaya shaqsiyaad loo haystay siyaasiyiin waaweyn ayaa xuubkii beenta ahaa ee ay huwanaayeen toos uga faydmay, halkaana si qaawan ugu soo baxay muuqaalkoodii runta ahaa.
Hadalada ka soo yeedhay rag isku sheega madax siyaasi mucaarid ah, oo cunwaanka maqaalkooda ku daabacnaa jara’idka qaarkood u dhignaa sidan: “Haddii maanta doorasho ka dhacdo dalka, ina Rayale cod keliyana ma heleen” ayaa ah ereyo muujinaya xumaanta uurkoodaa ku jira sidii horeba maahmaahdu u tidhi: “Wuxuu uurka doonayo ayuu afku kaa xadaa”. Marka ay dawladdu ku mashquulsantahay Ictiraaf-raadin, adkaynta nabadda iyo horumarinta dalka si loo gaadho himiladeeenna, miyay tahay munaasib in halkii dawladda lagula garab geli lahaa meel marinta hawlaha danta guud in hadallo ka fog runta wakhti aan doorasho dhoweyn lagu hadaaqo.
Danta dalka iyo dadka Somaliland ma aha “haddii kalsooni aan ka waayay shicibka anna waan hoojjin oo tallaabo qaadi maayaan”.” Kursiga haddii aan waayay waan rogayaa”. Haddaladaa mucangag nimadu ka muuqato waa qaar ka soo yeedhay cid meel keliyi u caddahay, wax kale oo dhanna ka madaw yihiin. Waxana lagu tilmaami karaa qof aan xiskiisuba dhamayn oo uu xukun jacayl indho tiray. Doorasho marbay dhacday ummadduna codkeeda siisay cidday kalsooni ku qabtay. Hadal haynteedu waa weli kuma qanacsani rabitaankii ummadda.
Haddaba, dalkani cidna u dabranaan maayo, xumaanta lagula kacayaana qofkii waday ayay ku noqon oo ka rayn maayo shicibkan waddaniga ah. Cid kasta oo isku dayda inay cadawga u jabiso dalkan, waxa hubaal ah cawaaqib xumo inay ku dambayn doonto.
Muddadan dambe waxa isa soo taraysay in shaqsiyaad kooban ku taamayaan ficillo xaalad abuur iyo jaah wareerin ah. Waxa hal hayn u noqotay shaqsiyaadkaa: “Sharcigaa la jabiyay,… Dawladdu sharciga way garab martay,… Xoogbaa la adeegsaday,… iwm…”. Haddii aanuu cadaw ka dambayn ama kursi jacayl indho tirin waa maxay danta ugu jirta qaska dalku? Mise waxay garawsadeen in aanay marnaba heleyn kalsoonida ummadda oo doorashooyinka dambe rajjo kama qabaan. Maxay u garab marayaan Distuur ummaddu ugu codausay aqlabiyad dhan 97 %. Ma habboona in la quudhsado ama la xaqiro oo si u kas ah meel loogaga dhaco aqoonta ummadda leh wayeel, waxgarad, culimaa’uddiin, aqoon-yahan, indheer-garad, siyaasi, soo jireen, iwm…
Waxan xasuusinayaa qas wadeennada ku dhaqmaya sifooyinka cadawgeenna ee dubka sare innooga midab eeg balse ficilladoodu yihiin kuwo u adeegaya cadawga aan naxariis innaga dhaxayn, intaanay sharci ka hadal horta miyay fahmaan qaab dhismeedka hab-dhaqanka dimuqraadiyadda Somaaliland qaadatay ee ay ku dhaqanto. Haddii ay hilmaameen oo aqoontoodo intaa ku dhan tahay waxa is-weydiin leh siday ugu hammoodaan inay hoggaanka u qabtaan dad ka il dheer. Haddii ay u kas xaallad abuurkan u wadaan ma cadawga shisheeye ayay mustaqbalka caruurtooda gacanta u gelinayaan. Waaba hadalkii ninka wayeel ku yidhi maahmaah: “Waraabe adhi raacso”. Dhinac kasta oo laga eego ficilladaa qalafsan wax dan ah oo haba yaraatee ummadda uga soo hoyanaysaa ma jirto, burbur iyo cadawga u jab mooyee.
Nidaamkeenna dawladeed si cad oo aan mad madaw lahayn ayuu u qeexan yahay. Saddexda gole ee dalku ku dhisan yahay waxay kala yihiin:
1. Fulinta - Dawladda
2. Xeer-Dejjinta - Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada
3. Garsoorka - Caddaaladda
Dhallaankaa garan kara xilka gole kasta. Haddi Xeer-Dejjintu ka gudubto xilkeeda oo ay isku mashquuliso hawl aanay ummaddu u igman, dhibteeday leeday. Golaha Wakiilada maanta oo xubno tiro koobani mar kasta afduub ku haysto maxay iskaga indho tirayaan runta taalla hoostooda haddii aanay wadan ajanda u gaar ah. TIMIR LAFBAA KU JIRTA…
Innagoo wada og xilka Golaha Wakiiladu inuu yahay Xeer-Dejjin bal aynu dib u eegno waxqabadkoodii muddada dhan 15 bilood ee ay xilka ummadda u hayeen. Kalfadhigoodii ugu horeeyay waxay ugu yimaadeen golaha wakiilada 27 sharci oo ansixin uga baahnaa, Waxa ku soo biiray intii ay joogeen 3 sharci oo kale. Haddaba maxay ka qabteen ansaxinta 30 ka sharci ee dalka lagu hagi lahaa ee baahida weyn loo qabay.
Haddii aynu tusaale kooban ka soo qaadanno sharciyadaa daahay ee hoosta la gashaday, dalkana ku keenaya dib u dhac dhayal aan laga soo kaban karin, waxa ka mid ah::
- Sharciga Dhulka oo badbaadin lahaa dhimashada tiiraanyada leh ee dalkenna maalin kasta ka dhacda oo noqotay mushkalidda ugu weyn ee dilka keenta.
- Sharciga Tacliinta ee midayn lahyd manhajka waxbarasho ee dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxbarasho midaysan keeni lahayd.
- Sharciga Musuqmaasuqa oo haddii ay daacad u yihiin dalkan u suurto gelin lahayd inay dawladda ku xakameeyaan si caddaalad sifo sharci ah
Kooxdaa yar ee afduubaysa golaha hoose ee Xeer-Dejinta qaranku waxay danta ummadda ka door bideen inay iyagu kordhistaan mushaharkooda, hawl aan distuurku u igmanna faraha la galaan, shuruucdii laga sugayayna baal maraan, wakhtigan duruufaha dhaqaale jiraanna hakiyaan ansixinta Miisaaniyaddii ummadda loogu adeegi lahaa.
Ninbaa laga hayaa inuu yidhi:”MA’ANAA WAALAN MISE CADANBAA LAGA HEESAYA” Raggi laga sugayay xil qaran ma waxay u gurteen dhuuni raac liddi ku ah habsami u socdka dalka mise ictiraaf aanay iyagu keenin uma cuntamayo. Waaba hadalkii hore loo yidhi: “NINBAA KULA DOON DOONI BAADI KAA MAQANE OO DAALNA KAA BADIN, HADANA AAN RABIN INAAD WELIGAA HESHID”
Xeer-Dejjintu waa diyaarinta, lafa gurka iyo ansixinta sharciyada, Murankan laga abuurayo Komishanka muddadoodii dhammaatay, xilka saaran Golaha wakiiladu miyaanu ahayn “Lafo gur oo Ansixi xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka ee lagu hor keenay”. Taasi kama dhigna adigu magacaw oo muddo u kordhi. Sida muddadan dambe ay caadaysteen xubnahaa tirada yar ee raba inay boqnaha jaraan hashii diifta loo soo galay waxay ku andacoodaan “Hay’ad Garsoor ma jirto” Haddanay jirin iyaguna ma jiaan oo waa tii dhaarisay ee u sharciyaysay xubinnimada golaha wakiilada ee codbixintii ummadda ku timid. Mar haddii ay inkireen jiritaanka Garsoorkii sifaha sharci rasmi uga dhigay natiijooyinkii doorashooyinka ay ku soo baxeen, siday iyaguna u noqon karaan Xil-Dhibaanno Xeer-Dejjinta dalka xubno ka ah? Shaki la’aan waxa ummadda si cad ugu muuqata cidda xilkeedii garan wayday ee qas dalkan ku wadda.
Dawladdu waxay ku khasban tahay inay fuliso xilka ummaddu u igmatay. Qof neceb iyo mid jecelba waxa waajib ku ah inay ilaaliso nidaamka dawliga ah iyo naacowda nabadda aynu ku wada naaloonayno. Waxa hubaal ah in dalku horumar gaadhi lahaa haddii aan dad yar oo ku xumee wadaa aanay abuurayn carqalado dabar ku haya tallaabo kasta oo dan u ah dalka iyo dadkaba. Isla markaana aanay wakhtiyada xasaasiga ah ku kacayn ficillo siin kara fursado nacabku innaga wareemo.
Waxan warsaxaafadeedkan ku soo gunaanadayaa Ummaddu way bislaatay oo way kala ogaatay nasteexeeda iyo nacabkeeda. Maan gaabka shisheeye adeegsanyow ha ku hammoon inaad si dhalanteed ah ku khaldi kartid shicibkan waayo aragga leh.
Allaa Mahad Leh
Axmad X. Dahir Cilmi
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Qaranka
|