The Free Site   |  vBuddy - make friends, share photos, blogs, have fun   |  Cheap Web Hosting - starting at $5
Home
 
Last Updated Sat, March, 10 2007, Hargeisa Somaliland
Xuska Maalinta haweenka Dunida iyo Burco

Haya’daha wadaniga ah Iyo kuwa samafalka oo ay ka qayb galeen madaxda maamulka Gobolka Togdheer wakiilo ka socday hayadaha samo falka iyo kuwa wadaniga ah iyo boqolaal ka mida haweenka Gobolka Togdheer waxay ahayd munaasibadii ugu horaysay ee muddo dhowr sano ah lagu xuso maalinta haweenka oo lagu qabto Burco.

Ciyaartoyga Togdheer

 




Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo ka hadlay munaasibadan haweenka ayaa cadeeyey in maalinta haweenka maamul ahaan ay muujinayaan siddii ay u soo dhoweeyeen kaalinta haweenka guddoomiyuhu waxaa kale oo uu cadeeyey in haweenku laf dhabar u yihiin kaalinta maamul iyo nabad gelyo ee gobolka Togdheer sidaas daraadeed ay maamul ahaan u aqoon sanayaan maalin qaran maalintooda.

Isu duwaha Wasaarada Arrimaha qoysta ee Gobolka Togdheer Caasha Cali Qabillle ayaa iyaduna munaasibadaas kaga dhawaaqday in haweenka Soomaaliland ay diyaar u yihiin inay qaataan doorka siyaasadeed oo aanay marnaba daba gelidoonin inay gacanta u taagaan. Raga soomaaliland “Doorosho danbe naga helimaysaan ee ragow isku tashada” ayey tidhi.


Isuduwahan Qoyska waxay kale oo ay haweenka Soomaaliland ugu gudbisay munaasibadaas fariimo dhawra oo ay ka mid ahaayen kaalinta waxbarashada, oo ay ku tilmaantay inay dumarku soo saran iyo la dagaalanka Cudurka HIV/AIDS iyo weliba sidii loo xakamayn lahaa Gudniinka Fircooniga ah.

Dhinaca kale munaasibadan oo kulmisay hay’ado kala duwan waxa kale oo iyaguna xubno ka mida wakiilada hay’adaha wadaniga ah iyo samofalka waxayna ku soo beegantay xili haweenka Gobolka Togdheer ay u darban yihiin dhinaca Siyaasada


Reported By Yuusuf I.Warsame,
Ilkacase,Burco
Email:xagaa67@hotmail.com

Top

 

 
 
© 2007 Radio Hargeisa -All Rights Reserved, Designed by: Said M. Hussein